Afkeenna Bookstore & Publisher

Aanadii Nageeye

0.00 kr

“Aanadii Negeeye waa buug waddo cusub u furaya bandhigga xikmadda iyo suugaanta soomaalida oo ilaa hadda si wayn la isugu soo tebin jirey tix ahaan. Waa tiraab waji cusub leh; waa male-awaal dhacdooyin jirey ka muuqdaan; waa maldahaad haddana si cad wax u sheegaysa; waa farriin sare oo qoraagu u xushay afsoomaali sugan oo faseex ah. Aanadii Negeeye waa sheeko culus oo raadgoobaysa diillimaha kala jaadjaadka ah ee jeegaanta masxkaxda Aadamiga: mar waa siqiir danbi-laawe ah oo bulshaduu ku korayaa ay xumaan ku habayso; marna waa cadaawad lagu bogsiinayo aargoosasho, kufsi, dhac, tuugo, xatooyo xoolo dadweyne; marna waa bayaaminta itaaldarrida Aadamiga oo waa kalgacal iyo jacayl nadiif ah; mar waa damac adduun iyo cidi kaama sarrayso ku taam; marna waa xaqiijinta waxa ummad dhan nolosheedii maanta ka dhigay ummad la’aan. Waxay sheekadani tahay digniin ah wixii dhacay, ee ku dhacay soomaali, waa wax soo noqon kare e, ummadyahay ka digtoonaada.” – Jaamac Muuse Jaamac.

Kategori:

Shopping Cart
0
    0
    Din vagn
    Your cart is emptyÅtergå till butiken